Sebastian Giovinco ayaa laga soo xigtay sida uu ugu hanweyn yahay xirashada maaliyada nambarkeedu yahay 10 ee uu iska dhigay Legend Alessandro Delpiero oo waqtigiisii kubadeed dhamaad ku dhawyahay.
Weeraryahankan gaaban ee orodka badan ayaa kusoo laabtay kooxdiisa Juventus kadib sanad uu deyn ama amaah ugu maqnaa kooxda Parma, waxa uuna si kaftan ah u yiri oqf kasta wuu garan karaa farqiga u dhexeeya nambar 12 iyo nambar 10, taas uu ula jeeday in laga badalo nambarka hada u xiran.
nambarka 10aad ee kooxda Juventus ayaa mid aad ugu weyn taageerayaasha kooxda, waxa ayna weli xasuustaan Platini, Baggio iyo Delpiero oo kamid ah xidigihii soo xirtay maaliyadan ama nambarka loogu jecelyahay aduunka.
Giovinco oo 25 jir ah ayaa kamid ah kuwa ugu xariifsan xidigaha hada ka ciyaara Seria A, waxaana uu ka tirsanaa da’ yartii kusoo barbaartay kooxda weyn ee Juventus, waxa ayna isku waqti ahaayeen Ayub Daud oo ahaa wiil Soomaali ah oo ka tirsanaa Juventus balse mudooyinkii u danbeeyay muuqiisa la waayay.