Home » Afrika » Mo Farah Oo Gadaal Iska Marsiiyay Dhamaan Intii Safka Lasoo Gashay Biladii Dahabka Ahaydna U Xalaaleeyay Reer Britania.

Mo Farah Oo Gadaal Iska Marsiiyay Dhamaan Intii Safka Lasoo Gashay Biladii Dahabka Ahaydna U Xalaaleeyay Reer Britania.

Halyeey Mohamed (MO) Farah ayaan marka hore leenahay Hambalyo kadib wacdarihii uu kusoo bandhigay garoonkii weynaa ee loogu tala galay ciyaarahan Olympikada 2012ka ee magaalada London.

 

Mo Farah ayaa ku guuleystay bilada dahabka ah ee orodka dheer ee 10,000 mitir oo nus qarnigii ugu danbeeyay u xirnaa orodyahano Ethiopian ah oo dhowr biladood oo dahab ah isku xigsaday, waxaase markan cirbihiisa tusay Mo Farah oo ah wiil Soomaali ah laakiin ku ordaya magaca dalka marti gelinaya ciyaarahan ee Great Britain.

 

Mo Farah oo u muuqday nin ay u muuqato bilada min bilow ilaa dhamaan orodkan ayaa wareegii ugu danbeeyay muujiyay awoodiisa orod isagoo gadaal iska wada mariyay dhamaan intii la tartameysay gaar ahaan ninka haysta orodkan Bekele oo aan wax bilad ah helin una muuqda nin waqtigiisu dhamaaday isla markaana boqornimada orodkan ku wareejinaya Mo Farah.

 

Hadaba anagoo aad ula qeybsaneyna farxada dhamaan inta ku abtirsata magaca Soomaali meel walba oo ay dunida ka joogaan waxaan leenahay Mohamed Farah, waxaa tahay halyeey koe u qaaday magaciisa, kan dalka uu dhiigiisu yahay iyo kan uu ku koray intaba halkaaga kasii wad dadaalkaaga si aad tusaale fiican ugu noqoto inta kaa danbeysa ee mustaqbalka fiican ku leh ciyaaraha kala duwan.

 

 

Mohamed Deeyoo

Deeyoo_admin@hotmail.com

deeyoomusic@hotmail.com

Oslo / Norway

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 691
  • Last 7 days: 5,362
  • Last 30 days: 26,212
  • Online now: 5