Home » Latest News » Serena Williams oo baal dahab ah ka gashay ciyaaraha dunida kadib markii ay ku guuleysatay bilad dahab ah.

Serena Williams oo baal dahab ah ka gashay ciyaaraha dunida kadib markii ay ku guuleysatay bilad dahab ah.

Gabadha madow ee Serena Williams ayaa ku guuleysatay bilada dahabka ah ee ciyaaraha Olympikada ka socda London, markii ay si arxan la,aan ah ugu xasuuqday Finalkii Teniska Maria Sharapova oo ka socotay dalka Ruushka.

 

Serena oo ku badisay natiijo ah 6-0, iyo 6-1 ayaa la dhihi karaa waa mucjiso oo inta badan ma dhacdo natiijo noocaan oo kale ah ciyaar sidaan u weyn una qiima badan iyo weliba ciyaariyahanad sida Sharapova oo kale ah, waxaana guushan la dhihi karaa waa mid dhadhan fiican oo gooni ah u leh Serena.

 

Xidigtan reer Amerika ayaa noqoneysa qofkii 2aad ee taariikhda Teniska aduunka ee ku wada guuleysta Afarta tartan ee loo yaqaano Grand Slams iyo weliba bilada dahabka ah ee Olympikada, waxaana iyada uga horeeyay Steffi Graff oo sidaan oo kale sameysay.

 

Serena iyo walaasheed Venus waxa ay horey ugu wada guuleysteen 2 biladood oo dahab ah laakiin ma ahaan qof qof ee waa ay wada jireen oo Double Tennis ayey ahayd, waxa ay sanadkana quud dareynayaan in markii 3aad ay hantiyaan.

 

Waa gabdhihii ugu horeeyay taariikhda Teniska oo madow ah ilaa heerkana kasoo gaara, xushmad, qadarin, magac iyo lacagba ka kasbaday xirfadooda Tenis.

 

Waxaan mar walba idiin soo bandhigi doonaa natiijo kasta oo Sport ee ka dhacda dunida dacaladeeda, waxaana dib u habeyn ku sameynay qeybta ciyaaraha ee Deeyoo Sport.

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 695
  • Last 7 days: 5,307
  • Last 30 days: 26,237
  • Online now: 4