Home » Aduunka » Xulka K/Cagta Wiilasha Mexico oo ku guulaystay Biladda Dahabka kadib markii ay Brazil kaga adkaadeen Finalka koobkaas.

Xulka K/Cagta Wiilasha Mexico oo ku guulaystay Biladda Dahabka kadib markii ay Brazil kaga adkaadeen Finalka koobkaas.

Labo gool uu dhaliyay ciyaaryahan Oribe Peralta ayay Maxico ku qaaday Koobka Olombikada adduunka ee dhanka wiilasha kubadda cagta waxaana ay kaga badiyeen 2-1.

Ciyaar aad u xiiso badneeyd oo ka dhacday garoonka magaalada London ku yaalla ee Wembley ayaa wiilasha Mexico ku heleen biladda Dahabka Tantanka Olombikada adduunka 2012 ee ka soconaya London.

Brazil oo keensatay hal gool qeybihi dambe ciyaarta ayaa waxaa u dhaliyay weeraryahanka sida weyn naaadiyada yurub u baadi goobayan ee Hulk kaas oo ahaa goolka calanka.

Xulka ka socday kofur Amerika brazil ayaa waxaa ay jeclaayeen inay koobkaan qaadaan markii ugu horeysay taariikhda laakin ma dhicin waxayna soo gaareen markii 4-aad finalaha koobkaan oo laga qaaday Afartaas jeer.

Tababare Mano Menezes ayaa sheegay in ay soo bandhigeen ciyaaro wanaagsan isla markaasna ay rajo ka qabaan inay qaadi doonaan koobka adduunka 2014 oo dalkooda Braziil ay barti galin doonaan.

Xulka Mexico ayaa horaantiii sanadkan 2-0 ugu adkaaday Brazil ciyaar saaxibtinimo waxaana caawa ay mar kale ay u laba celiyeen guul daradaas oo ay ka qaadeen koobka Biladda dahabka Olombikada adduunka.

Goolka Brazil ayay dhalisay daqiiqadihii dhimashada waxaana uu ahaa mid uu u dhaliyay weeraryahanka FC Porto Hulk kaas oo aan waxbo ka badalin ciyaarta.

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 728
  • Last 7 days: 5,450
  • Last 30 days: 26,233
  • Online now: 7