Home » Afrika » Wenger iyo Vilanova oo ku heshiin raba is dhaafsiga Song iyo Afellay-Tello

Wenger iyo Vilanova oo ku heshiin raba is dhaafsiga Song iyo Afellay-Tello

Tababaraha cusub ee Barcelona Vilanova ayaa wada dib u habeyn kooxdiisa Barcelona isagoo baadi goob ugu jiro ciyaartoy uu is leeyahay wey kasoo bixi karaan hab ciyaareedkiisa, waxaana uu hada isha ku hayaa Alex Song oo qadka dhexe Arsebla ka ciyaara.

Wenger oo dhankiisa sanadkan u eg nin hurdada ka kacay ayaa nadiifinaya kooxdan ay ragaadisay koob la,aantu isagoo soo iibsaday ciyaartoy wanaagsan qaar kalena lala ilaa hada lala xiriirinayo, waxaana uu hada rabaa inuu beec wanaagsan la galo Barcelona oo kasoo dalbatay Alex Song oo muddo kasoo xamaashay Arsenal.

Heshiiska oo weli ku eg warbaahinta ayaa macquul ah marka la fiiriyo rabitaanka labadan tababare oo hadii uu ka dhaqaajiyo Song waxaa la sheegayaa inuu booskiisa soo galayo Nuri Sahin oo Real madrid ah, halka uu Macalin Vilanova damacsanyahay inuu iska fogeeyo Cristian Tello oo uu ka saaray kooxda iyo Afelley oo dhaawac ka bixi la’.

Labada kooxba faa’iido ayey ku qabaan hadii ay isku af gartaan inkastoo Arsenal dan ugu jirto helitaanka Afelley iyo Tello oo wada socda halka Song lala damacsanyahay bedelka Saidou Keita oo ka tagay barcelona.

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 690
  • Last 7 days: 5,376
  • Last 30 days: 26,214
  • Online now: 2

One Response to Wenger iyo Vilanova oo ku heshiin raba is dhaafsiga Song iyo Afellay-Tello

  1. kkkkkkkkkkkkk

    August 13, 2012 at 5:11 pm


    kkkkkkkkkkkk keeyte dheh kanuuta waxa uu u ciyaaraa sevilia kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk