Waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya inuu dhamaad ku dhawyahay heshiiska Modric iyo Real Madrid oo ay Tottenham ka faa’iido 30 milyan oo Gini waa hadii uu dhamaado saxiixa hada la sugayo inuu Modric u duulo caasimada Spain.
Is jiidjiidka Modric iyo labadan kooxood ayaa soo socday tan iyo markii ay dhamaadeen horyaaladii lasoo dhaafay, waxaana mar walba lagu muransanaa qiimaha uu joogo xidigan reer Croatia oo lagu tiriyo mid kamid ah kuwa ugu xariifsan booskaas, waxa uuna laf dhabar u yahay kooxdiisa iyo xulkaba.
Kooxda reer London ee Tottenham ayaa rabta inay u isticmaasho lacagta kasoo gasha Modric gooldhaliyaha weyn Llorente oo u ciyaara Athletic Bilbao oo reer Spain ah oo lagu xujeeyay inay la yimaadaan ugu yaraan 28 milyan oo gini.
Waxaa lagu jiraa labadii todobaad ee ugu danbeeyay ee uu suuqa ciyaartoydu furanyahay oo ku eg 31ka nishan Agoosto, waxaana la wada sugayaa kala iibsi waalan marka uu soo dhawaado xiritaanka, waxaana inta badan beecu ka dhacaa horyaalka Ingiriiska oo kooxihiisu u muuqdaan celcelis ahaan kuwo ka lacag badan horyaalada kale ee yurub.