Home » Afrika » Guddoomiye ku xigeenka Olombikada oo Geeriyooday.iyo Taarikhdisa oo kooban

Guddoomiye ku xigeenka Olombikada oo Geeriyooday.iyo Taarikhdisa oo kooban

Alle ha u naxariistee Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo horay u ahaa Ciyaaryahan qaranka Somalia,iyo kooxda Jeenyo haddana ahaaa Guddoomiye ku xigeenada guddiga Olombikada somaliyed GOS ayaa ku geeiyooday isbitaal ku yaala magaalada Kuala Lumpur dalka Malaysia gellinkii dambe Khamiistii, sida lagu sheegay qoraal saxafdeed maanta kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubaada Cagtu waxaa uu qoraal saxaafadeedkiisa ku sheegay in Alle ha u naxariistee Xaajigu uu muddo sanado ah xanuunsanayay loona qaaday dalka Malaysia 24-kii bishii lasoo dhaafay si loogusoo daweeyo uuna halkaa ku geeriyooday khamiistii.

“Waxaa ay ahayd arrin naxdin leh oo xanuun badan oo lasoo gudboonaatay dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed markii warka geerida xaajiga ku saabsan uu soo ifbaxay—Xaajigu waxaa uu kaalin weyn kasoo qaatay horumarinta kubada cagta Soomaaliya gaar ahaana xiligii adkaa ee dagaalada sokeeye dalka ka jireen”ayuu war saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

“Horaantii 1990-meeyadii Xaaji Cabdi waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii gacanta weyn ka geystay burburinta qadkii cagaarnaa ee hogaamiye kooxeedyadu abuureen oo lagu kala qeybiyay magaalada Muqdisho, waxaana baabi’inta qadkaas cagaarnaa loo adeegsaday ciyaaro kubada cagta ah oo loogu magac daray Koobkii Rajo Soo celinta, waxaana uu markaas ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Sanadihii lixdameeyadii waxaa uu Xaaji Cabi Ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliya iyo naadigii Jeenyo halka dabayaaqadii sanadihii 70-meeyadii ilaa iyo 80-meeyadii uu ahaa garsoore heer caalami ee fIFA. Intii uu cayaraha ku jiray waxaa uu ahaa cayaaryahan aan laadkiisa la haweysankarin waxaana taas darteed uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee loo bixiyay magaca “DARBO WEYNE”

Inkastoo sanadihii lasoo dhaafay uusan xaaji Cabdi shaqeyneyn hadana dhimashadiisu waxaa ay astaan u tahay in xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu waayay shaqsi weyn oo waaya arag ah.

“Aabahay wuu dhintay Alle ha unaxariisto, maadaama aan nahay dad muslimiin ah waxaan aaminsaanahay in naf kasta ay dhimaneyso, laakin waxaan aad uga mahd celineynaa sida ay bahweynta kubada cagta iyo sportiga oo dhan noola murugoodeen una muujiyeen in ay nala xanuunsanayaan”ayuu yiri Xamza Xaaji Cabdi oo qudhiisu ah ciyaaryahan hore hadana garsoore ka ah horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta kasoo baxay waxaa lagu sheegay in buuga tacsida laga furay xafiiska xiriirka halkaas oo looga dhawaaqay 3 maalmood oo baroor diiq ah.

“Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed, xubnaha guddiga fulinta iyo xogheynta xiriirka waxay tacsi u dirayaan dhamaan bahweynyta Soomaaliyeed ee kubada cagta gaar ahaana qoyskii iyo qaraabdii uu ka baxay Alle ha unaxaristee garsoore hore Xaaji Cabdi Cilmi Warsame”ayuu war saxaafadeedkiisaa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Aqani Saciid Carab.

TAARIIKHDA KOOBAN MARXUUM XAAJI CABDI CILMI WARSAME.

Xaaji Cabdi Cilmi Warsame (Adeer Cabdi) wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 1943kii wuxuuna ku barbaaaray Muqdisho.

Tacliinta dugsiyada hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho. Adeer Cabdi wuxuu yaraantiisa jeclaa kubadda cagta wuxuuna ku soo biiray sannadka markuu ahaa 1960kii , Wuxuuna u saftay kooxda Ansalooti ee qaybta (B) wuxuu ku soo baxay ciyaaryahan wanaagsan , Wuxuuna u talaabay kooxaha waa weyn (A) isagoo u saftay naadiga LLPP Xaaji Cabdi wuxuu naadiga LLPP uga soo hoyay koobab farabadan oo Naadiga hantay.

Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay xulka Qaranka dalka Soomaaliya wuxuuna ka qeybgalay ciyaaro caalami ah oo uu ku soo kala ciyaaray dalalka : Indonisia, Itoobiya, Ugandha,Tansaaniya iyo Shiinaha Dadka, wuxuuna ka soo baxay kaalintii loo xilsaaray.

Xaaji Cabdi ciyaarta kubadda ka fariistay sannadku markuu ahaa 1972kii wuxuuna u talaabay dhinaca garsooridda. Wuxuuna ka qeybgalay Tababar Garsoore oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortigu soo qaban qaabisay wuxuuna hantay shahaadada Heerka 1aad,2aad iyo 3aad, wuxuuna ku biiray garsoorayaasha waa weyn ee dalka Soomaliya.

rinta �D i �� � ee hogaamiye kooxeedyadu abuureen oo lagu kala qeybiyay magaalada Muqdisho, waxaana baabi’inta qadkaas cagaarnaa loo adeegsaday ciyaaro kubada cagta ah oo loogu magac daray Koobkii Rajo Soo celinta, waxaana uu markaas ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Sanadihii lixdameeyadii waxaa uu Xaaji Cabi Ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliya iyo naadigii Jeenyo halka dabayaaqadii sanadihii 70-meeyadii ilaa iyo 80-meeyadii uu ahaa garsoore heer caalami ee fIFA. Intii uu cayaraha ku jiray waxaa uu ahaa cayaaryahan aan laadkiisa la haweysankarin waxaana taas darteed uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee loo bixiyay magaca “DARBO WEYNE”

Inkastoo sanadihii lasoo dhaafay uusan xaaji Cabdi shaqeyneyn hadana dhimashadiisu waxaa ay astaan u tahay in xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu waayay shaqsi weyn oo waaya arag ah.

“Aabahay wuu dhintay Alle ha unaxariisto, maadaama aan nahay dad muslimiin ah waxaan aaminsaanahay in naf kasta ay dhimaneyso, laakin waxaan aad uga mahd celineynaa sida ay bahweynta kubada cagta iyo sportiga oo dhan noola murugoodeen una muujiyeen in ay nala xanuunsanayaan”ayuu yiri Xamza Xaaji Cabdi oo qudhiisu ah ciyaaryahan hore hadana garsoore ka ah horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta kasoo baxay waxaa lagu sheegay in buuga tacsida laga furay xafiiska xiriirka halkaas oo looga dhawaaqay 3 maalmood oo baroor diiq ah.

“Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed, xubnaha guddiga fulinta iyo xogheynta xiriirka waxay tacsi u dirayaan dhamaan bahweynyta Soomaaliyeed ee kubada cagta gaar ahaana qoyskii iyo qaraabdii uu ka baxay Alle ha unaxaristee garsoore hore Xaaji Cabdi Cilmi Warsame”ayuu war saxaafadeedkiisaa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Aqani Saciid Carab.

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 704
  • Last 7 days: 5,297
  • Last 30 days: 26,173
  • Online now: 10