Home » Latest News » Giampaolo Pazzini oo Ku biiray Liiska xidigaha dhaawac Ac Milan kadib dhaawac tababarka kasoo gaaray.

Giampaolo Pazzini oo Ku biiray Liiska xidigaha dhaawac Ac Milan kadib dhaawac tababarka kasoo gaaray.

Giampaolo Pazzini oo Ku biiray Liiska xidigaha dhaawac Ac Milan kadib dhaawac tababarka kasoo gaaray.

Weeraryahanka wadanka Talyaaniga Giampaolo Pazzini ayaa ku biiray ciyaaryahanada ka dhaawacan naadiga Ac Milan.

Ciyaaryahankan Giampaolo Pazzini ayaa dhaawacan uu kasoo gaaray Tababarka isagoo laga saaray tababarkii kooxda ay qaadanaysay.

Giampaolo Pazzini ayaa lagu waday inuu ciyaaro kulanka Fiidnimada Sabtida ay la ciayarayso Kooxda Ac Milan kooxda Atalanta waxaana dhibaato ay kasoo gaartay lugtiisa midig.

Sida ay sheegayan warar ku dhow xerada tababarka Ac Milan, Giampaolo Pazzini ayaa joojiyay Tababarka kooxda uu la qaadanayay kadib markii uu dareemay xanuun taas oo haddii uu kusii wadi lahaa ka sii xumeyn lahayd xaaladda.

Ilaa haatan lama oga waqtiga ay qaadanayso maqnaanshihiisa laakin waxaa la kala cadayn doonaa waqtiga uu maqnaan doono kadib marka la saaro scan-ka oo lagu wado saacadaha soo aadan in la saaro.

Ac Milan ayaa horey waxaa ugu maqnaa Robinho, Alexandre Pato, Riccardo Montolivo iyo Ignazio Abate halka Giampaolo Pazzini uu kusii biirayo xidigahaas.

 

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 939
  • Last 7 days: 6,502
  • Last 30 days: 29,089
  • Online now: 6