Bayern Munich iyo Dortmund oo guulo waaweyn gaaray horyaalka Jarmalka.
Naadiyada Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa hellay Guullo raaxo leh kadib ciyaarihii horyaaalka Jarmalka Bundesliga ay labadaan naadi ciyaareen.
Hogaamiyayaasha Horyaalka Jarmalka Bayern Munich ayaa ku dadaashay inay ku sii waddo labada dhibco ay ku hogaaminayso Horyaalka.
Bayern Munich ayaa guul ah 3-1 kaga badisay naadiga Mainz 05 waxana kooxda ah horyaalka Jarmalka ee Dortmund ay iyana 3-0 ugu badisay kooxda Bayern Liverkusen kulamada Horyaalka Bundesligaha oo galabta la ciyaaray.
Bayern Munich ayaa goolasha waxaa u kala dhaliyay Mario Mandzukic iyo Bastian Schweinsteiger waxaana goolka 3-aad u dhaliyay Kroos halka kooxda Mainz ay la timid hal gool waxaana u dhaliyay Adam Szalai.
Naadiga hogaaminayso horyaalka haatan soconaya ee Bayern Munich ayaa waxaa ka maqnaa kulankaan Franck Ribery iyo Arjen Roben kuwaas oo dhaawacyo yar yar kaga maqan kooxda waxaana Tababare Jupp Heynckes uu kursiga keydka fariisiyay xidiga uu kusoo iibsaday 40 milyan oo Euro oo u dhiganta 52.6 Milyan oo Dollar ee Javi Martinez.
Claudio Pizarro ayaa noqday xidiga ugu safashada badan horyaalka Jarmalka xidigaha ajanibta ah wuxuuna Claudio Pizarro ciyaaray kulankiisa 336-aad maanta.
NATIIJOOYINKA HORYAALKA JARMALKA OO DHAMAYSTIRAN.
| FT | Bayern Munich | 3 – 1 | Mainz |
| FT | Borussia Dortmund | 3 – 0 | Bayer Leverkusen |
| FT | Hannover | 3 – 2 | Werder Bremen |
| FT | Monchengladbach | 2 – 3 | Nurnberg |
| FT | Stuttgart | 0 – 0 | Fortuna Dusseldorf |
| FT | Greuther Furth | 0 – 2 | Schalke |