David Silva oo Furka Faqriga Tuuray saxiixayna hishiis Kordhin shan sanno ah.
Ciyaaryahanka kubad sameeyaha naadiga Man city David Silva ayaa saxiixay hishiis cusub oo shan sanno ah kaas oo kooxdiisa kula sii joogayo ilaa 2017.
David Silva oo 26 jir ah ayaa kaga soo biiray Man city kooxda Valancia sanadkii 2010 kadib markii ay kusoo iibsadeen lacag dhan 24 milyan oo gini isagoo kaliya labo kulan ka maqnaaday horyaalka kooxda Man city xilligii dhamaaday.
hishiskan uu Saxiixay Silva ayaa todobaadkii ku qaadanaya lacago dhan 200 kun oo gini todobaadkiiba.
Ciyaaryahanka caalamiga wadanka Spain David Silva ayaa kamid ahaa xidgaha kooxda Man city u qaaday horyaalka ingiriiska 44 sanno kadib oo Manchester city ay ugu dambeysay horyaal ay qaado 1968.
David Silva wuxu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay nolosha ingiriiska kadib markii dhawaanahaan lala xiriirinayay in uu dib ug laaban doonno dalka Spain halkaas oo Ay Real Madrid doonayso.
“aad ayaa ugu faraxsanahay naadiga,iyo inaan la joogo taageerayasha kooxdan ayuu u sheegay websedka kooxda Man city leedahay ayuu yiri David Silva.
Wuxuu intaas ku daray David Silva inuu ku farxay dheereenta hishiiska uu kula joogo Man city.
David Silva wuxuu sidoo kale ka caawiyay kooxda Manchester city koobka FA Cup inay qaado xiligiisa ugu horeeyay ee kooxda uu kusoo biiray.
“waxaa ku guulaysanay Horyalka Ingiriiska iyo labo koob kale kooxdana wee soo koreysaa waxana rabaa inaan qaadno koobka horyaaliinta yurub ayuu yiri David Silva oo rajo weyn ka leh inay qaadan koobkaas.
David Silva ayaa ciyaarihiisa kasoo bilaabay koooxda Celta Vigo waxaana kadib uu ku biiray Valancia ka hor inta uusan ugu soo biirin kooxda ah horyaalka ingiriiska ee Manchester city.
Xidigaan David Silva wuxuu dhashtay 8-da January 1986 waxaana kooxda Man city u ciyaaray 107 kulan wuxuuna u dhaliyay 14 gool,halka xulka Spain uu u ciyaaray 67 kulan ciyaareed una dhaliyay 18 gool waxaana uu u matalay Spain koobabka Euro 2008.koobka adduunka 2010 iyo Euro 2012.