Home » Aduunka » Guddoomiyihii Hore kubadda cagta Qaaradda Asia Mohamed Bin Hammam oo la kulmay Guddi baarayaal Fifa ka socday.

Guddoomiyihii Hore kubadda cagta Qaaradda Asia Mohamed Bin Hammam oo la kulmay Guddi baarayaal Fifa ka socday.

Guddoomiyihii Hore kubadda cagta Qaaradda Asia Mohamed Bin Hammam oo la kulmay Guddi baarayaal Fifa ka socday.

Musharaxii hore ee guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta adduunka Fifa Mohamed Bin Hammam ayaa la kulmay markii ugu horeeysay Baarayal kadib markii lagu soo eedeeyay maamul xumo iyo lunsasho dhaqaale.

Ninka ganaaxan ee reer Qatar Mohamed Bin Hammam oo horey u ahaa guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Qaaradda Asia (AFC)kana tirsanan jiray guddiga fulinta Fifa ayaa lagu eedeyay dambiyo intii uu hayay maamulka.

Kulanka Mohamed Bin Hammam uu la yeeshay baarayashan ka socday fifa ayaa qatay muddo afar saacadood ah waxana 63 jirkaan u dhashtay dalka Qatar lagu haystaa eedeymo dhowr ah oo ay kamid tahay inuu si aan sharci ahayn u maamulay dhaqaale loogu talo galay horumarinta ciyaaraha.

Bin xamaam oo ahaa mid kamid ah ragga awoodda leh ee la tartamay guddoomiyaha fifa Sepp Blatter sanadki tagay ayaa laga ganaaxay inuu wax howl isboorti ah qabto kadib qilaaf iyo isku dhac soo kala dhexgalay isaga iyo mid kamid ah saaxibadiisa ay muda dheer isku dhawaayeen ee Sepp Blatter.

Mohamed Bin Hammam ayaa horey u dalbaday inuu hello baarayaal dhex dhexaad ah oo qaada dacwaddiisa isla markaasna ay baaritan madax banaan lagu sameeyo sheegashada ah inuu lacago xiriirka Kubadda cagta Asia loogu talo galay uu u isticmaalay ololaha doorashada xiligii uu musharaxa guddomiyaha Fifa uu ahaa isagoo la sheegay in lacag dhan 40 kun oo dollar uu si laaluush ah u siiyay Madax ka tirsan xiriirka Caribbean-ka si ay ugu codeeyaan.

Bin Xamam ayaa si kumeel gaar ah loo ganaaxay oo uusan qaban Karin waajibaad kubadda cagta ah muddo 30 maalmood oo xiriirka Aasiya guddigiisa fulinta gareen go’aankaas laakin waxaa 90 maalmood oo dheeri ah ku daray xiriirka Fifa.

Kooxdaan baaritaanka sameenayso ayaa waxaa madax u ah baarre Michael j.Garcia oo ka tirsan guddiga baaritanka anshaxa Fifa.

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 736
  • Last 7 days: 5,528
  • Last 30 days: 26,283
  • Online now: 1