Home » Champions League » Kooxaha Reer Spain oo Guul Gaaray,Man city oo guul darro ku furtay iyo Natiijoyinka Guruubyada ee koobka Horyaalada Yurub+Saworo

Kooxaha Reer Spain oo Guul Gaaray,Man city oo guul darro ku furtay iyo Natiijoyinka Guruubyada ee koobka Horyaalada Yurub+Saworo

Kooxaha Reer Spain oo Guul Gaaray,Man city oo guul darro ku furtay iyo Natiijoyinka Guruubyada ee koobka Horyaalada Yurub.

Kooxaha wadanka Spain ka socda  ayaa guulo ku bilawday kulamada koobka naadiyada yurub kadib markii Real Madrid iyo Malaga ay guulo ka gaareen ciyaarahooda ay caawa ciyaareen.

Waxaa kaloo guulo Gaaray,Arsenal,PSG,Dortmound,Ajex,

Ciyaarta ugu xiisaha badan ee sida gaarka ah isha loogu haayay aya ahayd kulankii Real Madrid iyo Manchester city.

Guruubka A.

Kooxda PSG ayaa goola badan ka dhalisay kulankii ay la ciyaartay kooxda Dynamo Kyiv waxana kooxda reer France ay ku adkaatay 4-1.

Bandhiga goolasha ay ku badisay PSG waxa bilaabay kabtanka wadanka Sweden Zlatan Ibrahimovich oo dhaliyay Rigoore,Thiago Silva oo Ac Milan ay kasoo wada tageen ayaa dhaliyay goolka 2-aad goolka 3-ad waxa dhaliyay Alex iyadoo Javier Pastore uu dhaliyay goolka 4-aad waxaana goolka calanka Dynamo Kyiv u dhaliyay Miguel Veloso.

Guruubkan A waxaa ku jira oo kale kooxaha Dinamo Zagreb iyo FC Porto.

Kooxda Fc Porto ayaa ku badisay 2-0 waxaana ay goolasha kala dhalisay labada qeyb ciyaarta waxaana kooxda Porto laga badiyay lixdii kulan ay ciyaartay guruubka xiligii lasoo dhaafay waxana ay ku bilaawday furitaanka ciyaaraha guruubyada guul goolasha kooxda reer Portugal waxa u kala dhaliyay Gonzalez iyo Defour.

Guruubkan A waxaa min 3 dhibcood leh kooxaha PSG iyo Porto iyadoo farqi goolal ah ay PSG ku hogaaminayso labada naadi kale wax dhibic ah ma lahan.

Guruub B.

Qeybtan waxa kuwada jira kooxaha Arsenal,Schalke,Montipilier iyo Olyampiakos waxaana guulo gaaray Arsenal oo 2-1 ugu badisay kooxda reer France ee Montipilier halka Schalke oo marti u ahayd kooxda reer Greece ee Olyampiakos ay kala soo laabatay guul natiijo la mid ah kulankanka Arsenal ay gaartay oo 2-1 ah.

Arsenal ayaa goolasha waxaa u kala dhaliyay Gervinho iyo Podolisk,halka kooxda Schalke ay goolasha u dhaliyeen Benedikt Höwedes and Klaas-Jan Huntelaar.

Group C.

Kooxda Malaga oo markeedii 2-aad taariikhda ciyaarayso koob yurub ahna markeedii 1-aad oo ay ciyaarto koobkan ayaa bilaaw wanagsan heshay kadib markii 3-0 ay ugu badisay kooxda Zenit St. Petersburg oo ay isugu jiraan gurubka C.

Kooxda Malaga ayaa goolasha waxaa u kala dhaliyay labo gool oo Isco u saxiixay halka goolka kale uu dhaliyay weeraryahanka wadanka Argentina Saviola waxaana haatan guruubka A hogaaminaya kooxda Malaga.

Ciyaar kale oo ka tirsan isla Gurubkan C, ayaa waxa ay dhexmartay kooxaha ka kala dhisan dalalka Belgium iyo Talyaaniga ee Anderlecht iyo Ac Milan,waxaana kulankii dhexmaray labadan naadi uu ku soo dhamaaday bar baro gool la’aan ah.

Group D.

Qeybtan ayaa waxaa ku jira kooxo soo qaaday horyaalada dalalka Spain,Ingiriiska iyo Jarmalka iyadoo caawa ay guruubka guulo ka gaareen Real Madrid iyo Borussia Dortmund.

Kooxda ah horyaalka Jarmalka ee Borussia Dortmund ayaa 1-0 ugu badisay kooxda 4 jeer qaaday koobkan ee ka dhisan dalka Holland AJex Amesterdam waxaana goolka ka dhaliyay Robert Lewandowski.

Kooxda Robert Lewandowski ayaa heshay Rigoore daqiiqaddii 57-aad laakin waxaa ka qasaariyay oo dhalin waayay Mats Hummel laakin 30 daqiiqo kadib daqiiqaddiii 87-aad uu goolka gusha dhaliyay Robert Lewandowski.

Sidoo kale Real Madrid ayaa ciyaar aad u xiiso badan la ciyartay kooxda Man city waxaana ciyaartaas ay ahayd mid dar dar ay ku bilaabatay labada kooxna mid kasto waxay doonaysay inay noqoto kooxda gacanta sare leh ciyaartaas.

C.ronaldo ayaa gool uu u dhaliyay daqiiqaddii 90-aad waxaa 3-2 ugu badiyeen Real Madrid kooxda martida ahayd ee reer ingiriis Man city kaas oo ay si weyn ugu naxeen xidigaha iyo taageerayasha reer ingiriis.

Kooxda Man city ayaa labo jeer hogaanka ciyarta gacanta ku dhigtay waxaana Marcelo iyo Benzema ay ahaayeen xidigaha u soo bar bareenayay goolasha lagu yeeshay kooxdooda Real Madrid laakin gool ay si weyn ugu farxeen taageerayasha,xidigaha iyo Tababare Jose Mourinho ayaa waxaa dhaliyay C.Ronaldo oo kubad laad xoogan oo uu ka gambaday kabtan Kompany ay ka dhalatay gool haye Joe Hart.

Real Madrid oo aanan looga badinin ciyaar furitaan ah garoonkeeda Barnebue muddo 34 sanno ah ayaa ku sigatay in rikoorkaas laga jabiyo laakin Benzema ayaa ka bad baadiyay in naadigiisa guul darro la kulanto ka hor inta C.Ronaldo uu fure u noqon guusha kooxda.

Fiirso sawirada ciyaarahan.

 

 

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 717
  • Last 7 days: 5,499
  • Last 30 days: 26,203
  • Online now: 3