Juventus oo diiday in laga badiyo kulanka furitaanka koobka horyaalada yurub sheegtayna inay tahay horyaalka Talyaaniga iyo Shakhtar oo Guul ka gaartay Group E.
Kooxda Juventus ayaa diiday in laga badiyo ciyaarta furitaanka koobka horyaalada yurub oo ay la ciyaaraysay kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Chelsea ayaa ku hormartay labo gool oo uu u dhaliyay ciyaaryahankeeda dhawaan ay lasoo wareegtay ee Oscar kaas oo kooxda iyo taageerayasha Juventus kaga naxsaday labo gool oo suurta galin karay in Juventus lagu dubto garoonka Stamford Bridge ee galbeedka magaalada London.
Chelsea ayaa ku fashilantay inay guul ka garto furitaanka koobka ay difaacanayso ee Champions league iyadoo juventus oo ugu soo martisay garoonkeeda ay ku hogaamiyeen 2-0 laakin laga soo bar bareeyay.
Labo gool oo deg degsiimo badan ayuu Oscar u dhaliyay kooxdiisa qeybtii hore ciyaarta waxaana u si fudud u dib marsiiyay gool haye Buffon.
Kooxda ah horyaalka talyaaniga ee Juventus oo aan laga badinin 42 ciyaarood horyaalka dalkeeda ayaa ka jawaab celisay oo kasoo kabsatay labadaas gool iyadoo xidiga Vidal uu u bilaabay goolka hore waxaana iyadoo 9 daqiiqo ka harsantahay ciyaarta u bar bareeyay xidiga badalka kusoo galay ee Fabio Quagliarella oo ka dhigay 2-2.
Xidiga Oscar ayay Chelsea kasoo iibsatay kooxda Internacional ee dalka Brazil waana xidig u dhashtay dalkas waxayna kusoo iibsadeen lacag dhan 25 milyan oo gini waana 21 jir laakin muujiyay inuu u qalmo lacagaha tirada badan ay Chelsea kusoo iibsatay dhawaan.
Koobka loo Tartamayo ayaa heysata kooxda chelsea waxaana garoonka ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta la keenay koobka quruxda badan oo ay chelsea qaaday 19 bishii may ee sanadkaan kadib markii ay Bayern Munich oo garoonkeeda ku ciyaarayso ka badisay.
Dhinaca kale.
Kooxda Shakhtar Donestk ayaa kooxda FC Nordsjælland kaga badisay 2-0 kadib ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhacday dalka Ukrain.
Henrik Mkhitaryan ayaa labada qeyb ciyaarta u kala dhaliyay goolasha kooxdiia Shakhtar waana goolashiisa 1-aad iyo 2-aad oo uu dhaliyay koobkan horyaalada naadiyada yurub.
Ciyaaryahankan Mkhitaryan ayaa ka ciyaara qadka dhexe oo weerar leh waxaana xiligan soconaya horyaalka dalka Ukrain ka dhaliyay 12 gool waxaana labada gool uu dhaliyay kulankaan ka dhigaysaa in kooxda u dhaliyay 14 gool.
Kooxdan FC Nordsjælland ayaa ka socota dalka Denmark waana kooxda soo qaaday horyaalka dalka Denmark iyadoo doonaysay inay guul ka gaarto ama ay difaac gasho kulankaan laakin ciyaarta ka dhacday Donbass Arena oo ay ku ciyaarto Shakhtar ayay samayn waysay sida ay rabtay oo laga badiyay.
Qeybta Hoose ka fiirso Guruubka E sida loo kala horeeyo.
Group E
| Booska | Kooxda |
kulamada |
Farqiga Goosha |
Dhibcaha |
| No Movement1 | Shakhtar Donetsk |
1 |
2 |
3 |
| No Movement2 | Juventus |
1 |
0 |
1 |
| No Movement3 | Chelsea |
1 |
0 |
1 |
| No Movement4 | FC Nordsjaelland |
1 |
-2 |
0 |