Home » Latest News » Liverpool oo u dhaqaaqday badalka Steven Gerrard.

Liverpool oo u dhaqaaqday badalka Steven Gerrard.

Liverpool oo u dhaqaaqday badalka Steven Gerrard.

Kooxda Liverpool ayaa bartilmaamedsanayso labo ciyaaryahan oo u dhashtay dalka Spain kuwaas oo ay doonayso inay ku badasho ama ay badal u noqdaan booska uu baneenayo Kabtanka Liverpool Gerrard kaas oo da’diisa ay kor u dhaftay 30-ka sanno.

Xidigaha ay Liverpool doonayso inay lasoo wareegto ayaa kala ah Isco iyo Ander Herrera kuwaas oo noqonaya badalka tooska ah ee booska Gerrard.

Gerrard ayaa da’diisu haatan tahay 32 jir waxaana suura gal ah inuu ciyaaraha a fariisto 2014 kadib koobka adduunka waxaana ay kooxda sii diyaarsanaysa ciyaaryahanada macquulka ah ee buxin kara halka uu ka ciyaaro Gerrard.

Tababare Brendan Rodgers ayaa sheegay in ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka leh kooxda Malaga Francisco Isco Alarcon waa 20 jir kaas oo Liverpool ay indhaha ku hayso.

Sidoo kale ciyaaryahanka da’da yar ee qadka dhexe ugu ciyaara Atletico Bilboa Herrera oo 23 jir ah ayaa suura gal ah inay galaan booska ciyaaryahan Gerrard.

Blog Traffic

Pages

Pages|Hits |Unique

  • Last 24 hours: 731
  • Last 7 days: 5,456
  • Last 30 days: 26,236
  • Online now: 4